7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 2 , 2021
Somaliland: Shil baabuur oo dhimasho sabababay oo ka dhacay degmada Sheekh
 

Arbaco, Juun, 2, 2021 (HOL) - Saddex qof ayaa ku nafwaayay kadib markii uu gaadhi land cruiser ahi ku dhacay deegaanka Dabuur ee degmada Sheekh ee gobolka Saaxil.

Sida ay HCTV ku warantay saddexda qof ee dhintay ayaa lagu kala magacaabi jiray, Cabdi Muuse, Ibraahim Saleebaan Cabaade iyo Maxamed Axmed Cabaade.

Dadka shilka ku dhintay ayaa ka yimid magaalada Burco ee gobolka Togdheer isla markaana u safrayay magaalada caasimada ah ee Hargaysa.

“Wuxu ahaa gaadhi Land cruiser ah oo ka yimid Burco una socday Hargaysa, waxana saarna saddex qof, laba kamida ayaa mayd ahaan na loogu keenay kii saddexaadna dhawaca soo gaadhay ayuu u dhintay” waxa sida yidhi sarkaal ka tirsan wasaarada caafimad ka ee Sheekh.

“Saddex dii qof ee gaadhiga saarnaaba halkasay ku dhinteen” ayuu hadalkiisa ku daray.

Shil kan ayaa noqonaya kii labaad ee todobaad gudihi ka dhaca gobolka Saaxil, iyadoo maalintii doorashada ka horaysay shil ka dhacay duleedka Berbera uu sababay dhimashada 4 ruux.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]