7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 2 , 2021
Wararkii ugu dambeeyay dagaaladii ka dhacay duuleedka degmada Buula burte
 

Arbaco, Juun, 2, 2021 (HOL) - Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahino dheeraad ah ka bixiyay dagaalo culus oo shalay ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Ceelbacad oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buula burte.

Jenaraal Teerdishe oo ah taliyaha ciidamada qeybta 27-aad oo la hadlayay warbaainta dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in dagaaladii shalay aay ciidamada Xoogga dalka guulo waaweyn ka gareen.

" Jab xoogan ayaan gaarsiinay Shabaab hub farabadan iyo gadiidna waan ka furanay askar 25 ka badana waan ka dilnay walina deegaanada u dhaxeeya Buula burte iyo Jalalaqsi ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgalo ka wado" ayuu yiri Jenaraal Tereedishe.

Jenaraalka ayaa intaasi ku sii daray in weerarka aay ciidamada Xoogga ku qaadeen deegaanka Ceelbacad uu yimid kadib markii aay ka war heleen abaabulka weeraro qorsheysan oo aay Al-shabaab kuso qaadi rabeen degmada Buula burte.

Wararkii ugu dambeyay ee maanta laga helaayo wadada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Buula burte iyo Jalalaqsi  ayaa sheegaya in halkaasi lagu arkaayo ciidamada dowladda oo howlgalo ka wada wadadaasi.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]