7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 2 , 2021
Barlamaanka Jubbaland oo meel mariyay golaha cusub ee wasiiradda Jubbaland

Arbaco, Juun, 2, 2021 (HOL) - Baarlamaanka dowlad goboleedka Jubaland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay golaha wasiirada ee Jubbaland ee dhawaan la magacaabay, sida lagu sheegay war kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland .

19-kii May ayay ahayd markii madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu magacaabay gole wasiiro oo ka kooban 55 xubnood oo isugu jira wasiiro, ku xigeeno iyo wasiir udowlayaal.

Muddo labo sano ku dhow ayay madaxweynaha Jubbaland ku qaadatay in uu soo dhiso xukuumad cusub kadib culaysyo kaga yimid siyaasiyiinta qaadacay doorashadiisii, kuwaas oo markii dambe ku heshiiyay in la dhiso xukuumad wadaag ah.

Gobolka Gedo oo katirsan Jubbaland ayaa maalmo ka hor lagu qabtay mudaharaad loogasoo horjeedo xukuumada Jubbaland, iyagoo reer Gedo sheegay in loo baahan yahay dib u heshiisiin iyo in la dhiso Jubbaland la wada leeyahay.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabo tayada golaha cusub, kuna hanweyahay in ay shaqadooda si fiican uga soo bixi doonan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online