7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 2 , 2021
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay socdaan dadaalo lagusoo celinayo xiriirka Soomaaliya iyo Kenya
 

Arbaco, Juun, 2, 2021 (HOL) - Wasiirka ariimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa sheegay in ay socdaan dadaalo wadajir ah oo dib loogu hagaajinayo xidhiidhka xumaaday ee Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa sheegay Soomaaliya iyadoo aan gorgortan ka galayn arrimaheeda masiiriga ah haddana in ay diyaar u tahay in lasoo celiyo xiriirka labada dal iyo wada shaqayntii ka dhaxeysay.

“Soomaaaliya iyo Kenya waligood deris way ahaanayaan, laakiin waligood col ma ahaan karaan,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda.

Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud wuxuu sheegay in ay jiraan dalal iskusoo dhoweynaya labada dhinac, balse wuxuu meesha ka saaray in habo yaraatee ay jiraan in arrinta badda ay qeyb ka tahay wada hadalka.

“Maxkamadda ayaan ka sugaynaa go’aanka oo aan filayno inuu ahaado mid aan ku guulaysano. Markaas kadib, Soomaaliya iyadaa baddeeda iska leh, cidda ay rabto ayay la wadaagi kartaa ,” ayuu yiri wasiirku.

Dowladda Kenya ayaa dhawaan joojisay duulimaadyadii Soomaaliya, iyadoo sabab uga dhigaysa xiriirka xumaaday ee labada dal.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online