7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 2 , 2021
Somaliland: Degmooyin cusub oo lagu dhawaaqay natiijada hordhaca ah ee doorashada golayaasha deegaanka
 

Arbaco, Juun, 2, 2021 (HOL) - Waxa lagu dhawaaqay natiijada hordhaca ah ee doorashada golayaasha deegaanka ee degmooyinka Laascaanood, Taleex, iyo Buuhoodle.
 
Natiijada hordhaca ah ee degmada Laascaanood xisbiyada Kulmiye iyo Waddani, ayaa ka helay tiro isleeg oo 5 iyo 5 xildhibaano gole deegaan ah, halka xisbiga UCID uu 3 xildhibaan ka helay.

Codadka guud ee ay xisbiyadu kala heleen aya sidoo kale lasoo raaciyay natiijada hordhaca ah ee degamada laascaanood.

Xisbiga Kulmiye ayaa codadka guud ee degmada ka helay 12928, xisbiga Waddani ayaa isna ka helay 11161, halka uu xisbiga UCID ka helay 7318.

Natiijada hordhaca ah ee doorashada golaha deegaanka degmada Buuhoodle, xisbiga Kulmiye ayaa helay 4 xildhibaan gole deegaan, xisbiga Waddani ayaa helay 5 xildhibaan halka xisbiga UCID uu ka helay 2 xildhibaan.

Degmada taleex natiijada hordhaca ah xisbiga Kulmiye ayaa ka helay 6 xildhibaan, xisbiga Waddani ayaa ka helay 3 xildhibaan halka xisbiga UCID aanu wax xildhibaano ah helin.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online