7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 2 , 2021
Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay rasaastii galabta lagu furay Xasan Sheekh Maxamuud
 

Arbaco, Juun, 2, 2021 (HOL) - Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadashay rasaas maanta lagu furay kolanyo gaadiid ah oo uu la socday madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in guddi u saareen soo baarista dhacdadii maanta lagu rasaaseeyay Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in caddaaladda la horkeeni doono cid walba oo ku lugyeelata dhacdadii maanta lagu rasaaseeyay gaadiidka galbinaayay madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ciidanka Asluubta ayaa dhowr jeer oo hore bartooda koontarool ku rasaaseeyay gadiid aay saaran yihiin masuuliyiin iyo Oday dhaqameedyo, taaso noqotay mid soo laablaabatay.

Dhinaca kale Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ka hadlay dhacdadii galabta lagu rasaaseeyay Xasan Sheekh ayaa sheegay iney aheyd mid aanan ku talagal aheyn oo si kama ah ku dhacday, islamarkaana sheegay inuu ka raali galinaayo arintaasi madaxweynahii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Wali majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Xasan Sheekh oo ku aadan falkii maanta aay ku rasaaseeyeen ciidanka Asluubta Soomaaliyeed kolanyadii galbineysay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]