7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 2 , 2021
Golihii degaanka ee labaad ee ay magaalada laascaanood yeelato oo lagu dhawaaqay
 

Arbaco, Juun, 2, 2021 (HOL) - 13 iyo xubnood oo noqon doona xoolaha degaanka dagmada Laascaanood oo ay ku tartamayeen sadexda Xisbi ee ka jira Somaliland ayaa lagu dhawaaqay kadib doorashadii dhacday maalinimadii shalay.

Xisbiga UCID ayaa waxa uu helay 3 xubnood halka labada xisbi ee Kulmiye iyo Waddani ay sinaan ku yihiin min 5 xubnood oo golaha degaanka ah.

Xubnahan soo baxay ayaa gabi ahaan ah rag iyadoo hal gabadh oo tartanka ku jirtey ay hadhay taas oo dhamaantood ka dhigtay in ay rag noqdaan taas oo ka mid ah isbedelka haatan la muuqda.

Sidoo kale golaha haatan soo baxay ayaa ah mid meesha ka saaray rag badan oo ka mid ahaa kuwo si aad ah loo saadaalinaayey, waxa kale oo meesha ka baxay xildhibaanadii hore iyadoo ay u badan yihiin dhalinyaro.

Dhinaca kale degmooyinka Xudun iyo Taleex oo iyagana lagu dhawaaqay ayaa waxaa ku horeeya xisbiga Kulmiye taas oo dad badani saadaalinayeen in Waddani uu noqon doono ka ku horeeya iyadoo aan weli warbaahinta aanay soo gaadhin degmada Caynabo.

Hadal hadalhaynta ugu badan ee golahan ayaa ah qaabka tirinta codka iyadoo Cabdirashiid Jaamac Geele oo helay 938 cod xisbiga Kulmiye ah uu dhacay halka Tawakal Maxamed Geele oo keenay 696 xisbiga UCID ku tartamayey uu soo baxay taas oo fahankeedu ku adkaaday.

"Waxaa la tiriyaa tirada guud ee codoka waxaa loo qaybiyaa kuraasta lagu tartamayo, kadib waxaa laysu geeyaa tirada codadka tartamayaadha ee xibiga, kadib ayaa loo qaybiyaa tirada xildhibaan toro halkaana waxaa ka soo baxa xisbi waliba inta kursi  we ay u goosey, jajabka soo hadha waxaa qaadanaya xisbiga ugu badan, ama wixii 50 gaadhsiisan sidaana waxa uu xisbiga helaa la siinayaa qofka ugu sareeya ama ugu codbadan, sidaana waxaa ku dhacda in qof tiro badan haystaa uu hadho mid tiro yar haystaana soo boxo" sidaa waxaa u sharxay aqoonyahan Jaamac Diiriye oo aan weydiiney.


Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood