7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 2 , 2021
Guddoomiyaha Aqalka sare oo soo magacaabay xubnaha guddiyada doorashooyinka ee Kuraasta Somaliland
 

Arbaco, Juun, 2, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa magacaabay xubnaha guddiyada doorashooyinka uga mid noqonaya gobolada Waqooyi ee Somalilnd.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska guddoomiye Cabdi Xaanshi ayaa lagu magacaabay guddiyada labada heer ee doorashooyinka iyo waliba kuwa xalinta khilaafaadka, waxaana si toos ah loogu gudbiyay xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in guddoomiye Cabdi Xaanshi uu soo gudbiyay xubnahii laga sugaayay ee ka mid noqon lahaa guddiyada doorashooyinka dalka.

Xubnahan uu maanta magacaabay guddoomiyaha Aqalka sare ayaa noqonaya guddigii labaad ee 24 saacadood gudahood loo gudbiyo Xafiiska Raysal wasaare Rooble, iyadoo xalay aay aheyd markii madaxweynaha maamulka Jubbaland uu magacaabay guddiyada doorashooyinka Labada heer ee Jubbaland, loona gudbiyay Xafiiska Raysal wasaare Rooble.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]