7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 2 , 2021
Madaxweynaha Puntland oo soo magacaabay Xubnaha Guddiga doorashooyinka
 

Arbaco, Juun, 2, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay xubnaha guddiyada doorashada heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed ee maamulka Puntland.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u gudbiyay Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya xubnaha guddiyada uu magacaabay ee maamulka Puntland uga mid noqonaya guddiga doorashooyinka dalka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaare Rooble ayaa lagu shaaciyay in madaxweynaha maamulka Puntland uu soo gudbiyay xubnaha guddiyada doorashooyinka uga mid noqonaya maamulka Puntland.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]