7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 2 , 2021
Hogaamiyaha mucaaradka Tanzania “Maan arag doorasho ka xorsan oo ka xalaalsan doorashada Somaliland”
 

Arbaco, Juun, 2, 2021 (HOL) - Hogaamiyaha xisbiga bahwadaagta isbadaldoonka dalka Tanzania Zitto Mwami Ruyagwa Kabwe, ayaa sheegay in uu korjoogtayn u tagay waddamo badan oo doorashooyin ka dhaceen lakin aanu arag mid la mida ta Somaliland.

Kabwe oo Somaliland u yimid korjoogtaynta doorashooyinkii isku sidkanaa ee Somaliland ka qabsoomay 31 May, ayaa sheegay in doorashooyinkaasi ay hayeen kuwii ugu caddaalad Sanaa ee uu abid arko.

“Waxan ka qayb galay korjoogtaynta in ka badan 7 doorasho oo ka dhacay waddamada Koongo, Malawi, Mozambique, Uganda sidookalena waxan ka qayb galay doorashooyin ka dhacay Tanzania”.

“Xornimada, xalaalsanida iyo daah furnaanta aan Somaliland ku arkay waa mid aan la labayn karin” ayuu Kabwe ku yidhi fariin uu Twitter kiisa ku qoray.

Kabwe ayaa shacabka Somaliland ugu hambalyeeyay doorashooyinka xorta ah ee ay galeen, isagoo sheegay in Somaliland ay qalbigiisa ku guulaysatay.

“Hambalyo dhamaan reer Somaliland, qalbigayga ayaad ku guulaysateen” ayuu yidhi.

Hogaamiyaha mucaaradka dalka Tanzania iyo korjoogtadii kale ee ka socotay waddamada Afrika, ayaa isku raacay in doorashooyinkii 31 May Somaliland ka qabsoomay ay ahayeen qaar xor ah oo xalaal ah.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]