7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 2 , 2021
Mid kamid ah garsoorayaashii ka qeyb galay dacwadii badda ee Somaaliya iyo Kenya oo geeriyooday
 

Arbaco, Juun, 2, 2021 (HOL) - James Richard Crawford, oo ka mid ahaa garsoorayaashii dhageystay dacwadii badda ee u dhaxeysay Soomaaliya iyo Kenya ee ka dhacday maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ayaa geeriyooday isagoo jira 72-sano sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Australia.

Bayaan ka soo baxay ICJ ayaa lagu sheegay in garyaqaanka reer Australia uu dhintay 31-kii bishii May.

Crawford, wuxuu dhashay Nofeembar 14, 1948, wuxuu garsoore ka ahaa maxkamadda ICJ ilaa Febraayo 2015 waxaana lagu waday inuu fadhiisto illaa Febraayo 2024.

Crawford wuxuu ka mid ahaa 15 garsoore oo dhegaysanayay dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya, dacwaddaas oo lasoo gabagabeeyay bishii march ee lasoo dhaafay.

Dhimashadiisa lama filayo inay wax u dhinto go’aanka maxkamadda horyaala. Waxaase xusin mudan in xukunka badanaa lagu gaaraa iyadoo lagu saleynayo go'aanka aqlabiyada.

Go'aan maxkamadda ayaa la filayaa ilaa iyo sanadka dambe.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online