7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 2 , 2021
Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu rasaaseyay Muqdisho
 

Arbaco, Juun, 2, 2021 (HOL) - Kolanyo gaadiid ah oo uu la socday madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu rasaaseeyay galabta afaafka hore ee Maxkamada gobolka Banaadir.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa rasaasta ku furay gadiidka uu la socday madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud kuwaas oo la sheegay iney ku sugnaayeen bar koontarool, walow la sheegay ineysan wax jawab ah ka bixinin ilaalahada Xasan sheekh rasaasta lagu furay taasoo keentay ineysan ka dhalan wax khasaaro ah.

Madaxweynahii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu kusii jeeday xiliga la raasaseynayay ka qeybgalka shir u dhaxeeya Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya.

Majirto wali wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Soomaaliya oo ku saabsan rasaasta lagu furay kolanyada gaadiidka uu la socday madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waa markii afaraad oo sanadkan gudahiisa lagu rasaaseeyo baraha koontaroolada ciidanka dowladda qaarkood gaadiid aay la socdaan madax horay xilal kala duwan uga soo qabatay dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyntii waxaa hadda lasoo warinayaa iney kulan ka leeyihiin Midowga Musharaxiinta rasaasta lagu furay gadiidka Xasan Sheekh la socday iyo sababta ka dambeysa.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]