7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 2 , 2021
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay xiriirka Diblumaasiyeed ee kala dhaxeeya dowladda Jabuuti
 

Arbaco, Juun, 2, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliyaa ayaa si faahfaahsan uga hadashay wararka sheegaya inuu si weyn u sii xumaaday xiriirka Diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeya dowladda Jabuuti.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq oo arinkaasi wax laga weydiiyay ayaa sheegay ineysan waxba ka jirin wararkaasi la faafiyay ee ah inuusan wanaagsaneen xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

"Jabuuti waxaanu nahay laba dal oo Walaalo ah hadana Soomaali isla ah, marka ma jirto wax xumaasho ah oo ku yimid xiriirka Diblumaasiyadeed ee inaga dhaxeeya, wey jirtay in tabasho aan ka muujinay qoraal aay soo saareen macnahedana maha inu xiriirkii xumaaday oo waatii uu Raysal wasaare Soomaaliya uu ka qeybgalay Caleema Saarkii madaxweynaha dalkaasi Ismaciil Cumar Geelle" ayuu yiri wasiir Maxamed Cabdirisaaq.

Ugu dambeyntii hadalka wasiirka arrimaha dibadda ayaa imaanaya, iyadoo sida la wada ogyahay dowladaha Soomaaliya iyo  Jabuuti hawada isku mariyeen dhaliilo xoogan oo saameyn ku yeelan karay xiriirka Diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]