7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 2 , 2021
Faysal Cali Waraabe “Xisbiyadu wax saamayn ah kuma laha natiijada doorashada”
 

Arbaco, Juun, 2, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in xisbiyadu anay wax samayn ah ku lahayd natiijada doorashada.

Faysal ayaa sheegay in xisbi walba ay guushiisu ku jaan go' naan doonto sidi loogu codeeyay.

"Axsaabtu wax ala wax samayn ah oo ay ku leedahay doorashada ma jirto, hadii 170k Hargaysa ka codaysay 17 xildhibaan ayaa loo qaybinaya marka 10k ayay kusoo baxayan" ayuu yidhi.

"Markasa la odhanayaa UCID maxay heshay, marka hadii isku darka codka guud ee uu UCID helay noqdo 80k 10 musharax baa loo qaybinayaa markasa la odhanaya 8 bay heshay".

"Marka anagu wax samayn ah kuma lihin hadii tirada guud ee UCID fiicnaato qayb bay ka qaadanaysa tirada usoo baxaysa" ayuu hadalkiisa ku daray.

Guddoomiyaha ayaa inta ku daray in ka axsaab ahan ay awood u leeyihiin kaliya in ay musharaxa sharaxaan.

"Anagu waxanu awood u leenahay in aanu idin sharaxno, fursada ayaanu idin siinay marka nasiib kiina ka qaada, ma jiro wax musuq maasuqa oo dhacayaana taa ana idin balan qaaday waxa loo kala cod badanaya sidii la idin ku kala codeeyay" ayuu yidhi.

Natiijada doorashada ayaa la rajaynayaa in lagu dhawaaqo maalinta bari ah ama habeen danbe.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online