7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 2 , 2021
Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay madaxweynihii hore ee dalka Sierra leone


Arbaco, Juun, 2, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynihii hore ee Sierra leone Ernest Bai Koroma oo Somaliland u yimid kor joogtaynta doorashooyinka, oo kulmay ayaa ka wada hadlay doorashadi dhacday iyo qadiyada Somaliland.

Warbixin madaxtooyadu kasoo saartay kulanka, ayaa lagu sheegay in ugu horayntii uu madaxweynaha Somaliland warbixin Ernest ka siiyay taariikhda Somaliland iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay.

Madaxweynaha ayaa Ernest u sheegay in Somaliland ay indhaha caalamka soo jiidatay laakin anay wali helin wixii ay caalamka ka sugaysay oo aqoonsi ah.

Dhinaca kale madaxweynihii hore ee Sierra leone Ernest, ayaa xusay in uu indhihiisa kusoo arkay bulsho bisil oo waayo arag u ah doorashooyinka, oo safaf dhaadheer ugu jira sidi ay codkooda u dhiiban lahayeen sida warbixinta lagu sheegay.

Ernest ayaa madaxweynaha Somaliland soo gaadhsiiyay, warbixintii ay doorashooyinka Somaliland kasoo saareen goob-joogayaashi caalamiga ahaa ee ka socday waddamada qaarada Afrika.

Kulanka Ernest iyo madaxweyne Biixi, ayaa dhinaca kale lagu lafo guray qodobo ay ugu muhiimsanyihiin arrimaha qaarada Afrka sida warbixin tu sheegtay.

Madaxweynihii hore ee Sierra leone Ernest Bai ayaa Somaliland u yimid kormeerida doorashooyinkii isku sidkana ee 31 May ka qabsoomay Somaliland.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]