7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 2 , 2022
Waftigii ka socday dowlada Itoobiya oo kulan la qaaday madaxweynaha Somaliland
 

Sabti, April, 2, 2022 (HOL) - Waftigii wasiirada ahaa ee uu hogaaminayay Wasiirka Maaliyada Itoobiya Axmed Shide, oo kulan la qaatay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo gaadhsiiyay fariic tacsi ah oo ay ka sidaan Raysal Wasaare Abiye Axmed.

Waftigan oo ka koobnaa Wasiirka  Maaliyadda, Axmed Shide, Wasiirka Gaadiidka Marwo Dagmawit Moges iyo Masuuliyiin ka socda laamaha amniga iyo gurmadka iyo wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya. Amb. Maxamed Axmed Maxamuud (Cawad) ayaa madaxweynaha soo gaadhsiiyay fariin tacsi ah oo ay ka sideen raysal wasaaaha Itoobiya.

"Weftigan oo ujeeddada safarkoodu daarrantahay  inay shacabka Somaliland la qaybsadaan tiiraanyada iyo murugada, sidoo kalena madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland soo gaadhsiyaan dhambaal tacsi ah oo ay ka sidaan Ra’isal wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Ahemd Ali" ayaa lagu yidhi qoraal madaxtooyadu baahisay.

Madaxweynaha ayaa waftiga dhankiisa uga mahadceliyay taageerada ay u muujiyeen shacbiga masiibadu ku dhacday "Madaxweynaha  Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa uga mahadceliyey gurmadka walaalnimo ee dawladda iyo shacbiga Itoobiya ay la barbar istaageen shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland".

Waftigan ka socda dowlada Itoobiya, ayaa socdaal indho indhayn ah ku tagay suuqa uu dabku ka dhacay, iyagoona sheegay in ay u yimaadeen si ay shacbiga Somaliland murugada ula qayb sadaan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]