7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 2 , 2022
Wariyihii hore ee BBC-da Cabdullahi Xaaji oo la helay isagoo bad qaba

Qoyska Cabdullahi Xaaji oo ahaa weriyihii hore ee BBC Somali oo la la'aa tan iyo khamiistii, ayaa la helay isagoo bad qaba.

Saaxiib ay ka wada-shaqeyn jireen BBC-da ayaa HOL u sheegay in Xaaji uu ka maqnaa magaalada si uu u booqdo saaxiibkiis balse qoyskiisa uma uusan sheegin qorshaha safarkiisa.

Asxaabta iyo qoyskiiba waxa soo foodsaaray walaac markii uu Xaaji ka qaban waayay talefankiisa jimcihii, kaddibna waxaa ay la xiriireen booliska si ay u gudbiyaan warbixinta qofka maqan.

Nasiib wanaag booliska ayaa saacado kaddib soo helay Cabdullahi Xaaji.

Cabdullaahi Xaaji, ayaa 40 sanno kasoo shaqeynayay BBC-dda, waana saxafi si weyn looga yaqaano Soomaalidda dhexdeeda.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]