7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 2 , 2022
Maxamed Cabdullaahi Buraalle oo goordhaw ku guuleystay tartanka kursiga HOP 059

Sabti, April, 02, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw magaalada Baledweyne kusoo gabagaboobay doorashada kursiga HOP 059, oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee deegaan doorashadiisu tahay Baledweyne.

Kursiga HOP 059, oo ahaa mid si weyn indhaha ugu wada hayeen shacabka reer Hiiraan cida kusoo bixi doonta ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Cabdullaahi Buraale.

Buraale ayaa wareegii koowaad ee tartanka kursga HOP 059, kaga adkaaday Msharaxii la tartamaayay isagoona helay 66 cod, halka musharaxii la tartamay ee Cabdllaahi Cal Cilmi uu helay 35 cod, mana jirin wax cod ah oo halaabay sida ay shaaciyeen guddiga doorashada Hirshabeelle.

Kursigaan ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ahaa Maxamed Cabdullaahi Buraale oo loo yaqaano Raaxeeye iyo Cabdullaahi Cali Cilmi, waxaana kursigaan dhowrkii sano ee lasoo dhaafay ku fadhisay Samiro Xasan Cabdulle oo iyada aanan isku diiwaan gelinin iney markale u tartanto kursigaan.

Xildhibaanka cusub Maxamed Buraalle ayaa ah shaqsi dhalinyaro ah oo si weyn looga yaqaano guud ahaan gudaha Soomaaliya, isagoona horay usoo noqday guddoomiyaha Dhalinyarada maamulka Hirshabeelle, waxuuna ahaa shaqsi ka dhex muuqday ka shaqeynta howlaha Samafalka iyo Arrimaha Bani'aadanimada.

Dhinaca kale waxaa la filayaa in goordhaw ay bilaabato doorashada kursga HOP 019, oo ay  sharaxan yihiin ilaa shan Musharax oo midi dumar tahay, waxaana kursiga HOP 019 dhowrkii sano ee lasoo dhaafay ku fadhisay Farxiyo Muumin Cali oo iyana isaga hartay iney markale u tartanto doorashada kursiga HOP 019.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online