7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 2 , 2022
Itoobiya oo wafti wasiiro ah usoo dirtay Somaliland

Sabti, April, 2, 2022 (HOL) - Wafti wasiiro ah oo uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyada Dowlada Federalka Itoobiya Axmed Shide, ayaa soo gaadhay magaalada Hargaysa, waftiga ayaa Hargaysa u yimid si ay shacabka Somaliland ula qayb sadaan masiibada  ka dhalatay dabka halakeeyay suuqa Waaheen.

Wasiir Shide oo warbaahinta la hadlay isaga oo ku sugan suuqa gubtay ee Waaheen, ayaa sheegay in isla markii ay dabka maqleenba ay go'aan sadeen in ay gacan ka gaystaan wax ka qabashadiisa.

"Xalay markay masiibadu dhacday dowlad ahaan ayaanu xog is waydaarsanay, gurmad dag dag ah, Deegaanka Soomaalida ayaa noogu dhawaa, madaxweynaha deegaanka iyo xubno kale ayaa gurmad u yimid oo booyado soo diray, dowlad federaal ahaan iyo dowlad deegaan ahaanba mid laysla ogaa ayay ahayd" ayuu yidhi Shide.

Wasiirka ayaa sheegay in isaga iyo waftigiisu ay u yimaadeen, si ay murugada ula qaybsadaan shacabka Somaliland ee ku hanti beelay, dabka galaaftay suuqii Somaliland ugu waynaa ee Waaheen, isaga oo balan qaaday in dowladiisu ay gacan ka gaysan doonto dib u dhiska suuqa.

"Isla subixiina raysal wasaaruhu wuxuu yidhi deg deg u taga shacabka xaaladiisa soo eega, in aanu idinla qaybsano uun baanu u nimid murugada dhacday...sida raysal wasaaruhu sheegay wixii taageero ah ee xaq walaaltinimo layskugu leeyahay marwalba waanu idinla garab taaganahay,  dib u dhiska wixii taageero ah diyaar baanu u nahay"  ayuu yidhi Shide.

Raysal wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed Cali, ayaa qoraal uu baraha bulshada ku baahiyay  ku yidhi "Waxaannu Shacabka Somaliland La qaybsanaynaa murugada dhibkaas ku yimid. Waxaannu u sheegaynaa inaannu garab taagannahay Waqtigan aad ka u adag. Waxaanu Eebbe ka rajaynaynaa inuu khasaarahaas dheef ugu beddelo xilligan aannu ku jirno bisha barakaysan ee Ramadaan".

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online