7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 2 , 2022
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay kaalin ka qaadanayso gurmadka musiibada ka dhalatay Dabkii xalay ka kacay suuqa Hargeysa

Sabti, April, 02, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu ka murugaysan yahay khasaaraha ka dhashay dabkii xalay ka kacay suuqa weyn ee magaalada Hargaysa, isagoo Alle uga baryey in uu u booga dhayo dadkii ku waxyeeloobay dabkaas.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan dadka hantidooda ku waayey masiibadan, isaga oo xusay xaaladda abaareed ee uu dalka ku jiro iyo duruufaha dhaqaalaha ee dunidu ay la tacaalayso.

Dhinaca kale, Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya kaalinka qaadan doonto gurmadka musiibada ka dhalatay Dabkii xalay ka kacay suuqa magaalada Hargeysa, kaasoo geystay khasaare lixaad leh.

Raysal wasaare Rooble ayaa sheegay inay xanuunka la qeybsanayaan ganacsatada xoolahoodii ku waayay iyo dadka kale ee waxyeelladu ka soo gaartay, wuxuuna Eebbe u weydiiyay baddel kheyr leh iyo sabir.

“Waxaan ku baaqayaa in loo gurmado walaalaheenna dabku aafeeyay, annaguna waxaan kaalin ka qaadan doonnaa gurmadkaas,” ayuu yiri raysal wasaare Rooble.

Dhinaca kale, raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Guuleed Khadar, ayaa isna sheegay inuu xanuunka la qaybsanayo ganacsatada suuqa Waaheen ee khasaaraha baaxada lihi kasoo gaadhay Masiibada dabkii xalay ka kacay suuqa.

Inta la ogyahay waa dabkii ugu khasaaraha badnaa ee abid meel kamid ah dhul Soomaaliyeed ka kaco, waxaana ku ceyroobay kumanaan ganacsato ah oo saacaddo kooban xoolahoodii ay ku basbeeleen dabka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online