7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 2 , 2022
Kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo tartankooda isbadal doon yahay oo Maanta ka dhaceysa magaalada Baledweyne
 

Sabti, April, 02, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta oo Sabti ah lagu wadaa in magaalada Baledweyne ay ka dhacdo doorashada laba kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baledweyne.

Kuraasta Maanta doorashadooda la qaban doono ayaa kala ah HOP 019, yo HOP 059, kuwaas oo ay ku tartami doonaan Musharaxiin dhowr ah oo isbadal doon ah, kadib markii ay isaga hareen in kuraastaani oo la shaaciyay inuu tartankooda furan yahay labadi Xildhibaan ee horay ugu fadhiyay oo dumar ahaa kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray Farxiyo Muumin Cali  iyo Samiiro Xasan Cabdulle.

Doorashada labadaan kursi oo horay u ahaa qoondo dumar kaliya ayaa haatan laga dhigay kuwa u furan tartankooda rag iyo dumar, waana laba kursi oo ay shacabka reer Hiiraan si gaar ah indhaha ugu wada hayaan cida kusoo bixi doonta waxaana Musharaxinta isdiiwaan galiyay ku jirta hal qof oo dumar ah iskuna diiwaan gelisay kursiga HOP 019.

Hadii doorashada labadaan kursi ay Maanta qabsoonto waxaa maamulka Hirshabeelle ugu haraya deegaan doorashada labaad ee Baledweyne laba kursi oo uu ku jiro kursigii ay horay ugu fadhisay Xildhibaanad Aamina Maxamed Cabdi oo dhawaan lagu dilay qarax Ismiidaamin ah oo uu qof naftii halige ahaa iyada la beegsaday.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online