7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 2 , 2022
Boris Jonhson: Waxaa i murugo galisay in aan arko khasaaraha ka dhashay dabka Hargaysa
 

Sabti, April, 2, 2022 (HOL) - Raysal Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson, ayaa sheegay in uu aad uga murugooday dabka galaaftay suuqii ugu waynaa Somaliland ee Waaheen, isagoo sheegay in dowlada Ingriisku gacan ka gaysan doonto dib u dhiskiisa.

Raysal wasaaraha ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Twitterka ku sheegay in ay murugo galisay in uu arko dhibaada uu dabku u gaystay suuqa Waheen ee Hargaysa, isaga oo sigaara u xusay dhibka gaadhay ganacsatada yar yar .

"Waxaa i murugo galisay in aan arko khasaaraha ka dhashay dabka ka kacay Hargaysa, ee khasaaraha intaa leeg u gaystay suuqan furan oo ahaa wadnaha dhaqaalaha magaalada, kaasi oo saameeyay ganacsiyo yar yar oo badan iyo ganacsiyada qoysaska" ayuu yidhi Raysal Wasaare Johnson.

Waxa uu sheegay in Hargaysa dib loo dhisi doono isla markaana ay dowladiisu gacan ka gaysan doonto dib u dhiska "Magaaladiinu dib ayay usoo kici doontaa, Ingiriiskuna wuxuu qaban wixii aanu awoodno, si aanu u taageerno dadaalka dib loogu dhisayo ee Somaliland wado".

Sidookale waxaa masiibada dabka ka dareen celiyay saraakiil sar sare oo ka tirsan dowlada Ingiriiska sida xogeeyaha arrimaha dibada Lis Truss, xogeeyaha u qaabilsan arrimaha Afrika Vicky Ford, wakiilka Somaliland u joogta Lizzy Walker iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online