7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 2 , 2022
Doorashada laba kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Maanta lagu qabtay Magaalada Baledweyne
 

Sabti, April, 02, 2022 (HOL) - Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa Maanta lagu qabtay doorashada laba kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Baledweyne.

Kursiga koowaad ee doorashadii Maanta ka dhacday Baledweyne oo tirsigiisu yahay HOP 059 oo ay horay ugu fadhisay Samiira Xasan Cabdulle, waxaa ku tartamay Maxamed Cabdullaahi Buraale iyo Cabdullaahi Cali Cilmi, waxaana ku guuleystay kursiga Maxamed Cabdullaahi Buraalle Raaxeye oo helay 66 cod, halka Cabdullaahi Cali Cilmi uu helay 35, mana jirin wax cod ah oo halaabay.

Doorashada kursiga labaad oo sumadiisu yahay HOP 019 oo ay ku fadhisay afartii sano ee lasoo dhaafay Farxiyo Muumin Cali oo isaga hartay tartanka doorashada kursiga waxaa isna ku tartamay ilaa shan Musharax oo kala ahaa Cabdiraxman Cilmi Siyaad, Faadumo Khaliif Guuleed, Maxamed Cabdulkadir Maxamed, Axmed Maxamed Ibrahim iyo Maxamed Maxamud Cali, waxaana wareegii koowaad ee tartanka kusoo baxay Maxamed Cabdukhaadir Maxamed oo helay 66 cod, sida guddiga doorashada Hirshabeelle ay shaaciyeen.

Labadaan kursi ayaa horay u ahaa kuwa ay ku fadhiyeen laba dumar ah, hayeshee dhowr sano kadib Maanta ayay noqdeen kuwa tartan furan, taasoo ugu dambeyn sababtay in dumarkii ku fadhiyay labadaas kursi ay isaga haraan doorashada tartanka labada kursi ee Maanta doorashadoodu ka qabsoontay Baledweyne ee kala ah HOP 059 iyo HOP 019 oo ay kusoo kala baxeen Maxamed Cabdullaahi Buraalle iyo Maxamed Cabdukhaadir Maxamed.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online