7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 2 , 2022
Maamulka Hirshabeelle oo ka horyimid talaabadii Guddiga FEIT uu kaga reebay Xildhibaanadda Cusub kursiga Fahad Yaasiin

Sabti, April, 02, 2022 (HOL) - Madaxtooyada maamulka Hirshabeelle oo war kasoo saartay go'aankii guddiga doorashooyinka heer Fedaraal ee FEIT ay kaga reebeen kursiga tirsigiisu yahay HOP 086 tirada Xidhibaanadda cusub, kaasoo ay sheegeen maamulka Hirshabeelle inuu ka mid yahay kuraasta haatan lagu doortay deegaanada Hirshabeelle ee tiradoodu aheyd 28 Xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 8 Senatar oo Aqalka sare ah.

Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in guddoomiyaha guddiga FEIT Muuse Geelle uu shaaciyay tirada xildhibaanada cusub ee lasoo doortay, islamarkaana laga reebay kursiga tirsigiisu yahay HOP086 oo Kamid ahaa  kuraastii Golaha shacabka  uu soo gudbiyay gudiga doorashada SEIT ee maamulka Hirshabeelle.

"Dowladda Hirshabeelle waxa ay u gudbisay Gudiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal ee ( FEIT) Xildhibaanada lagu soo doortay labada deegaan doorasho ee Hirshabeelle oo tiradooda guud ay ahayd 28 Mudane oo Golaha Shacabka iyo 8 Mudane oo Aqalka Sare ah. Gudoomiyaha FEIT wuxuu shaaciyay tirada xildhibaanada cusub ee lasoo doortay, waxaana laga reebay kursiga tirsigiisu yahay HOP086 oo Kamid ahaa  kuraastii Golaha shacabka  uu soo gudbiyay gudiga doorashada SEIT ee Hirshabeelleā€¯ ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Hirshabeelle.

Hirshabeelle ayaa sdoo kale qoraalkeeda ku cadeysay in kursiga HOP 086 uu kusoo baxay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ay tilmaameen inuu maray dhamaan habraacyadii loogu talogalay doorashada, islamarkaana ay sheegeen inrysan jirin wax dacwo ah oo ka timid doorashada kursiga.

"Kursiga HOP086 wuxuu soo maray dhamaan habraacyadii loogu talagalay doorashooyinka , mana jirin wax dacwo ah oo nooga timid beesha leh kursiga ama murashaxiintii ku tartantay. Sidaas darteed, maadaama Guddoomiyaha Gudiga uu ku kacay talaabooyin aan waafaqsanayn heshiisyadii iyo habraacyadii doorashada, waxay Guddiga SEIT ee Hirshabeelle si toos ah ugu gudbinayaan  liiska rasmiga Xoghayeyaasha  Labada Aqalka ee Barlamaanka Federaalkaā€¯ Sidaasi waxaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Hirshabeelle.

Waxaa sidoo kale maamulka Hirshabeelle uu uga digay guddiga doorashooyinka heer Fedaraal inaan la siyaasadeyn oo ay dhowraan heshiisyadii ay wada gaareen madaxda Golaha wadatashiga Qaran, islamarkaana ay ka fogadaan gudiga FEIT, wax walba oo dib u dhac u keeni kara doorashooyinka guud ee dalka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online