7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 2 , 2022
Madaxweyne Biixi: Hargaysa waynu dhisaynaa, iyadoo dhulka lala simay ayaynu dhisnay
 

Sabti, April, 2, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka warbixiyay dabka galaaftay suuqii Somaliland ugu waynaa ee Waaheen, ayaa sheegay in marka laga yimaado burburka hantiyeed aanay jirin cid dabka ku dhimatay, isla markaana dad ka dhaawacmay ay yihiin 28 qof.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka dhaawacmay ay u badanyihiin dadkii suuqa hantida kulahaa, oo dabku soo gaadhay, qaarkoodna dabku neef qabateeyay xili ay isku dayayeen in ay bad baadiyaan wixii ay ka gaadhaan hantidooda.

"28 qof ayaa ku dhaawacmay 9 ayaa dumar ah, waa dadkii gurmadka ahaa ee hantidoodu ku jirtay, ee ama finiinka dabku soo gaadhay ama neef qabatoobay, iyo hal qof oo bahal hoose qaniinay, oo dooxa soo marayay" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu magacaabay guddi ka shaqayn doonta kasoo kabashada masiibada "Guddida la magacaabay ee sheekhu hogaaminayo, iyo cidii kale ee lagu soo dari doono waxay galaysa gurmad aad ah, xukuumaduna waxay usoo daynaysa hal-milyan oo dollar".

Madaxweynaha ayaa sheegay in Hargaysa dib loo dhisi doono, sidii dagaalkii kadiba loo dhisay "Hargaysa waynu dhisaynaa, waynu dhisanaynaa, iyada oo aan saqaf lahayn oo dhulka lala simay ayaynu dhisnay, ka war wari maayo in aynu dhisayno".

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, oo saaka soo gaadhay suuqa gubanaya ayaa dhaliilay qaabka xukuumadu u wajahayso wax ka qabashada masiibada, isaga oo sheegay in aan loo baahnayn in madaxweynuhu uu hal-milyan ku dhawaaqo.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online