7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 2 , 2022
Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Muuse Biixi oo kawada hadlay khasaarihii hantiyeed ee ka dhashay dabkii ka kacay magaalada Hargeysa
 

Sabti, April, 02, 2022 (HOL) - Madaxweynaha  Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka telefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi, iyagoo ka wada hadlay khasaaraha hantiyeed ee ka dhalatay dabkii ka kacay Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Villa Soomaaliya, Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Muuse Biixi Cabdi, walaaca dowladda Soomaaliya ee ku aadan dhibaatada soo gaartay ganacsatada Soomaaliyeed ee magaalada Hargaysa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay Madaxweynaha Somaliland sida ay uga go'an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay garab istaagto dadka ganacsatada ah ee ku hanti beelay musiibadan.

“Ganacsatada hantidooda ku waayey musiibadan iyo guud ahaan Bulshada Soomaaliland waxaan la garab taagannahay taageero iyo duco, waxaana ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay is abaabulaan oo ay gacan u fidiyaan walaalahood,” ayuu yiri Farmaajo.

Sida warkaan lagu sheegay, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxaa uu madaxweyne Farmaajo uga mahad celiyey sida ay uga go'an tahay garab istaagga ganacsatada ku waayey hantidooda dabka suuqa Hargaysa.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online