7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 2 , 2022
Suuqa Waheen ee Hargaysa oo wali gubanaya
 

Sabti, April, 2, 2022 (HOL) - Suuqa ugu wayn Somaliland ee Waaheen oo ahaa suuqa jaangooya dhaqaalaha Somaliland, ayaa gabi ahaanba gubtay, kadib markii uu dab ka kacay abaaro 8:00 habeenimo ee Jimcaha, dabka ayaan soconaya ilaa barqadan saaka, waxaa burburay hanti u dhiganta malaayiin dollar.

Wali si rasmi ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee nafeed ee dabka ka dhashay, waxaana jira dad dhaawac ah oo ilaa xalay lagu daad guraynayay Isbitaalka Wayn ee Hargaysa.

Cabdiraxmaan Cismaan Warsame oo kamid ahaa ganacsatada suuqa oo HCTV uga warbixiyay sida ay wax u dhaceen, ayaa sheegay in dabku uu si dhakhso ah ugu fiday dhamaan suuqa, isagoo sheegay in uu ku waayay kumanaan dollar.

"labada bakhaar ayaan lahaa, ee dabku qabsaday, dabku ilbidhiqsi ayuu ku qabsanayay, dab aynaan qiyaasi karin oo aynaan garan karin qaabka uu u soconayo ayuu ahaa, hanti ilaa $80,000 ayaa iga taalay" ayuu yidhi Warsame.

Ganacsade Baashe magiciisa kusoo koobay oo warbaahinta u warramay isaga oo fadhiya Dooxa Wayn ee Hargaysa, ayaa sheegay in ku dhawaad 10 meheradood ay ka gubteen, isla markaana uu ku waayay tanti ku dhow milyan badhkii "Toban meheradood ayaan suuqa ku lahaa, toban kiiba way gubteen, istoodh kaa yar uun baa iiga baxay, lacag $400,000 ayaa saamayn teedu aniga ii gaar tahay".

Mayorka magaalada Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa xalay xili danbe baaq u diray dhamaan shacabka iyo ganacsatada Somaliland in ay gacan ka gaystaan bakhtiinta dabka oo loo taak waayay, Dowlada Deegaanka Soomaalida oo warbaahinta ka maqashay baaqa mayor Mooge, ayaa soo dirtay ciidankeeda dab damiska.

"Anagu meesha umanaan iman in aanu Somaliland gar gaar u keeno, in aanu dowlada iyo dadka meesha ku baaba'ay aanu murugada la qaybsano, qayla dhaantii mayorka Hargaysa, ayaanu maqalay markaasaanu lasoo cararnay 4 dab damis, xalay Jigjiga lagama seexan sidaa Hargaysa dareemaysay ayay dareemayeen" Hogaanka Nabadgalyada Dowlada Deegaanka Soomaalida Mubashir Raage, ayaa sida yidhi.

Wasiirka Ganacsiga Somaliland Maxamed Xasan Sacad Saajin, ayaa dabka ku tilmamay nasiib daro wayn, oo timid xili bulshadu la daala dhacaysay sicirbarar iyo abaaro "Iyadoo markii horeba lala tacaalayay abaaro iyo sicir barar, ayay hadana nasiib daradani dhacday, waala dadaalay ilaa xalay wataa ilaa saakana loo taag laayahay".

Madaxda ilaa hada dareenkooda ku aadan masiibadan ka hadlay waxaa kamid ah, Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Dani, iyagoo dhamaantood sheegay in ay murugada la qayb sanayaan shacabka Hargaysa.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online