7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 2 , 2022
Cumar Cabdirashiid iyo siyaasiyiin kale oo reer Puntland ah oo madaxweyne Deni ugu baaqay inuu iscasilo
 

Sabti, April, 02, 2022 (HOL) - Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo siyaasiyiin kale oo reer Puntland ah oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Nairobi kadib kulan ay yeesheen, ayaa waxay madaxweyne Deni ugu baaqeen inuu iscasilo.

Siyaasiyiintan ayaa madaxweynaha Puntland ku eedeeyay in xukunkiisa uu sababay dib u dhac ku yimid horumarka Puntland, islamarkaana uu galay dambiyo dagaal oo ka dhacay Puntland.

Waxay sheegeen inuusan madaxweyne Deni qaban karin jagada madaxweynimo ee Soomaaliya, iyagoo sheegay muddadii uu xilka Puntland qabtay inuu caqabad ku ahaa dib u dhiska Soomaaliya.

“Waxaan ugu baaqaynaa madaxweynaha inuu talada wareejiyo, oo uusan firaaq dhicinin. Waxaanan suurtagal ahayn, waxaan joogayaa Puntland, Dowladda federalka ahna waan aadayaa. Inuu xilka si sharaf leh ugu ku wareejiyo cidda mudan, ayaa ka sugaynaa,” ayuu yiri wasiirkii hore batroolka Soomaaliya, Daa’uud Bisinle.

Madaxweyne Deni ayaa dhowaan ku dhawaaqay inuu u sharraxan yahay xilka madaxweynaha Soomaaliya, isagoo sheegay inuu isku taagay sidii xilka looga tuuri lahaa madaxweyne Farmaajo.

Dood adag ayaa haatan ka taagan suurtagalnimada ah in madaxweyne Deni uu xilka Puntland wareejiyo, ama inuu xilkiisa sii joogayo haddii uu ku guul daraysto xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online