7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 17, 2022
Alshabaab oo soo bandhigtay gaadiid ciiddan oo ay ku furteen weerarkii saldhigga degmada Kaxda


Khamiis, Febraayo, 17, 2022 (HOL) - Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay labo gaari oo ay wateen ciidamada booliiska oo la sheegay in laga qabsaday weerar ay habeen hore ku qaadeen degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Sargaalka Alshabaab u qaabilsan howlgallada gobolka Banaadir, oo lagu magacaabo, Muuse Cabdi Carraale ayaa ku hanjabay in weeraro kale ay ka geysanayaan caasimadda.

Labo carruur ah ayaa ka mid ahaa shan qof oo dhintay kadib markii Alshabaab ay weerar ku qaadeen laba saldhig oo boolis oo ku yaal koonfurta iyo waqooyiga caasimadda iyagoo adeegsanaya baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkii Alshabaab kusoo qaadeen saldhigga degmada Kaxda ay ciiddamadu iska caabiyeen.

Balse, sawirro la faafiyay ayaa muujinayay in guud ahaanba saldhiga Kaxda lagu burburiyay qaraxyada lagusoo weeraray.

Alshabaab ayaa saacaddo kooban maamulaysay saldhigga, waxayna sheegeen inay horey usii qaateen labo gaadiid oo ay lahaayeen ciidamada booliiska saldhigga degmada Kaxda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online