7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 17, 2022
Dowlada Ingiriiska oo cambaaraysay xukun dil ah oo xukuumada Somaliland ku fulisay 4 qof
 

Khamiis, Febraayo, 17, 2022 (HOL) - Wakiilka dowlada Ingiriiska  u joogta Somaliland marwo Lizzie Walker, ayaa walaac kamuujisay, xukun dil ah oo xukuumada Somaliland ku fulisay, 4 askari oo horay u dilay askar kale.

Walker ayaa sheegtay in dowladeedu aad uga soo horjeedo "xukunka dilka ah", waxayna ku andacootay in ciqaabta dilka ahi, ay meel ka dhac ku tahay sharafta qofka ibnu aadamka ah.

"Waxa aad noo walaac galiyay qisaasta saaka laga fuliyay Somaliland, halka ay UK ka taagantahay sifiican ayaa loo yaqaana: Waanu ka soo horjeednaa qisaasta oo dhan wakhti kasta iyo duruufkasta, ciqaabta dilku waa mid aan ku haboonayn sharafta aadanaha.  Waxba kama tarto ka hortaga dembiyada" ayay tidhi Walker.

Dowlada Ingiriiska iyo dowladaha kale ee reer Yurub, ayaa badanaa ka qayliya mar kasta oo Somaliland dil ku fuliso qof qof dilay, taa badalkeeda uma badna in ay ka hadlaan xukunada dilka ah ee ay dowlada Soomaaliya  fuliso.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online