7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 17, 2022
Xildhibaan Mahad Salaad oo ku biiray xildhibaannada mucaaradka ee difaacday kuraastooda barlamaanka
 

Khamiis, Febraayo, 17, 2022 (HOL) - Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah xildhibaannada mucaaradka ayaa dib loogu doortay xubinta aqalka hoose, wuxuuna qeyb ka noqonayaa xildhibaannada mucaaradka ee difaacday kuraastooda barlamaanka.

Mahad Salaad ayaa horey loo hadal hayay inuu soo baxayo kadib markii uu meesha ka baxay guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir, Cali Yare Cali, kaas oo u sharraxnaa kursigan. Cali Yare ayaa ku eedeeyay madaxweyne Qoorqoor inuu u diiday inuu tago Dhuusomareeb, una tartamo kursigan.

Xildhibaan Mahad ayaa doorashada ka dhacday Dhuusomareeb wuxuu ka helay 101 cod, oo ah guud ahaan codadka ergada dooranaysay, kuwaas oo hab gacan taag ah ugu coddeeyay.

Sidoo kale, waxaa maanta magaalada Dhuusomareeb lagu doortay xildhibaan Maxamed Xuseen Abuukar (Gaaraxo) oo ku tartamayay kursiga hop 055. Wuxuu doorashada ka helay 100 cod oo ah ergada joogtay goobta doorashada.

Maxamed Saciid Cabdullaahi oo kursiga kula qornaa ayaa doorashada ka tanaasulay.

Kursiga saddexaad ee maanta lagu doortay magaalada Dhuusomareeb, waxaa ku guulaystay Cumar Cali Cabdi, kaasoo helay 97 cod. Waxaa la tartamayay Cabdullaahi Axmed Cabdi oo helay 2 cod oo kaliya. labo codna way xumaadeen.

Inka badan 20 xildhibaan oo aqalka hoose ah ayaa illaa iyo hadda lagu doortay magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug, waxaana Galmudug ay noqotay maamulka ay kasoo wada baxeen xildhibaanno mucaarad iyo muxaafid ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online