7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 17, 2022
Taliyahii Ciidanka Saldhiga Booliiska Baledweyne oo goordhaw lagu dhex dilay gudaha Saldhiga Baledweyne

Khamiis, Febraayo, 17, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhaw uu ku dhintay  iska hor imaad kooban oo ka dhacay gudaha Saldhiga Booliiska Baledweyne Taliyahii ciidanka Booliiska magaalada Baledweyne Laba xidigle Maxamed Xuseen Maxamuud Duurdage.

Iska hor imaadka kooban ee ka dhacay gudaha Saldhiga Baledweyne ee uu ku geeriyooday Taliye Duurdage ayaa ahaa mid u dhaxeeyay ciidamada Booliiska ee halkaasi horay ugu sugnaa iyo ciidamada Haramcad ee dhawaan la geeyay Baledweyne.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa iska hor imaadka kooban ee dhexmaray labada ciidan, waxaana wali Saldhiga iyo nawaaxigiisa laga dareemaya xaalad kacsanaan ah.

Iska hor imaadkaan sababay inuu dhinto taliyahii Saldhiga Booliiska Baledweyne ayaa imaaneya xili saakay Saldhiga Baledweyne lagu xiray boqolaal dadweyne ah oo ay ciidamada Haramcad howgalo ay sameyeen kaga soo qaqabteen xaafada Buundaweyn ee magalaada Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online