7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 17, 2022
Somaliland: Sheekada nin tiirka laga furay isla saacadii lagu fulin lahaa dil toogasho
 

Khamiis, Febraayo, 17, 2022 (HOL) - 2 nin oo kamid ahaa 6 nin oo shalay ay xukuumada Somaliland tiirka ugu xidhay si loogu fuliyo dil toogasho ah oo ay maxkamadi ku xukuntay, ayaa tiirka laga furay kadib markii ay ehelada dhibanayaashu ogolaadeen in ay mag (diyo) qaataan.

Axmed Siciid Geelle oo uu walaalkii 7 sanno kahor dilay mid kamid ah raga dilka laga jabiyay, ayaa BBC Somali u sheegay in walaalkii uu ahaa askari ka tirsan ciidanka Asluubta isla markaana uu dilay ninka ay dilka ka cafiyeen oo ahaa maxbuus jeelka ku jira.

"Walalkay waxa la odhan jiray Cabdi Siciid Geelle, waxaanu ahayn laba nin oo isku dhalasho xiga, oo ah walaalaha la yidhaa saxiibka oo aad isku jecel, wuxu ahaa askari qaran oo ka tirsan ciidanka asluubta ee Jeelka Wayn ee Hargaysa, waxa dilay nin xidhnaa oo maxbuus ah" ayuu yidhi Geelle.

Waxa uu sheegay in ay dilka ka cafiyeen kadib markii, ay cafis ka codsadeen dadka Soomaaliyeed ee daafaha caalamka iyo gudaha jooga.

"Waxa sababay in aanu dilka ka jabino, umada Soomaaliyeed oo si wayn noola soo hadashay dibada iyo Somaliland gudaheedaba markii la fulinayay, waxyaabo badan ayaanu eegnay, duco qaata ayaa nala yidhi" ayuu yidhi Geelle.

Waxa uu sheegay in ninka dhagarta gaystay uu aad ugu farxay markii ay cafiyeen "Markii aanu saaka ka jabinay dilka ee aanu xadhiga ka furnay, waxay noqotay adduunyada farxadii ugu waynayd in uu la kulmay, xabaashiisu way qodnayd".

Ninkan dilka laga jabiyay ee tiirka laga furay saacadii la dili lahaa, ayaa 7 sanno kahor  xili uu baxsasho isku dayay Jeelka Wayn ee Hargaysa ku dilay Cabdi Siciid Geelle, oo ahaa askari ka tirsan Ciidanka Asluubta Somaliland.

Ninka dilka gaystay ayaa ahaa maxbuus danbi budhcad badeednimo ugu xidhnaa xabsiga.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]