Sanduuqa Horumarinta Afrika oo Soomaaliya u ansixiyay $4.3m oo loogu talagalay horumarinta tirakoobka


Khamiis, Febraayo, 17, 2022 (HOL) - Sanduuqa Horumarinta Afrika ayaa ansixiyay lacag dhan 4.3 milyan oo dollar oo lagu taageerayo horumarinta tirakoobka Soomaaliya.

newsinsideMashruucann ayaa ka koobnaan doona bixinta kaalmo farsamo iyo tababarid shaqaalaha Xafiiska Tirakoobka Qaranka Soomaaliya iyo Waaxaha Tirakoobka Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubaland.

Ilaa 90 shaqaale ah ayaa heli doona tababar ku saabsan ururinta, falanqaynta iyo faafinta xogta tirakoobka.

Hawlaha kale ee mashruuca waxaa ka mid ah soo saarista buug-gacmeedyo iyo tilmaamo u hoggaansamaya habka ugu wanaagsan ee loo sameeyo tiro-koobka caalamiga ah.

Mashruucu waxa uu qayb ka yahay qorshayaasha dib loogu dhisayo awoodda hay’adaha dowliga ah ee ku wiiqmay colaadaha.

Mashruuca Taageerada Horumarinta Tirakoobka ee Soomaaliya wuxuu la socdaa dadaallada kobcinta awoodda Bangiga Horumarinta Afrika ee dalalka xubnaha ka ah gobolka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online