7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 17, 2022
Kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo Maanta lagu doortay magaalada Baraawe


Khamiis, Febraayo, 17, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta lagu qabtay magaalada Baraawe ee Caasimadda maamulka Koonfur Galbeed doorashada lix kursi oo ka mid kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed Soonaaliya.

Kursiga koowaad ee doorashada Maanta ka dhacday Baraawe oo tirsigiisu yahay HOP 062, waxaa ku guuleystay Aweys Maxamed Cumar oo helay codad gaaraya 80 cod, halka Musharaxii la tartamay oo ahaa Abuukar Maxamud Macalin Cumar uu helay 15 cod, waxaana halaabay 2 cod.

Kursiga labaad oo tirsigiisu yahay HOP 251, waxaa ku tartamay Musharaxiinta kala ahaa Nuuraceyn Khaliif Sheekh iyo Faadumo Abuukar Sheekh, waxaana ku guuleysatay Nuuraceyn Khaliif oo heshay 90 cod, halka Faadumo Abuukar ay heshay 8 cod, waxaana halaabay 2 cod.

Kursiga sadaxaad oo sumadiisu yahay HOP 195, waxaa ku guuleystay Maxamed Xasan Maxamed oo helay 82 cod, halka Musharaxii la tartamay oo ahaa Nuur Cali Nuur uu helay 19 cod, kursiga afaraad oo tirsigiisu yahay HOP 187, waxaa kusoo baxay Dr Cali Saciid Faqi oo ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed, isagoo heley codad gaaraya 80 cod, halka musharaxii la tartamay oo ahaa  Nuur Cumar aadan uu helay 16 cod.

Kursiga shanaad ee sumadiisu yahay HOP 057, waxaa ku soo baxay Muqtaar Axmed Xasan oo heley codad gaaraya 87 cod, halka musharaxii la tartamay oo ahaa Iidle Ibraahim Nuur uu helay 7 cod, waxaana xumaaday 1 cod.

Kursiga lixaad ee doorashadii Maanta ka dhacday Baraawe oo tirsigiisu yahay HOP 194, waxaa ku guuleystay Xamza Saciid Xamza oo heley codad gaaraya 83 cod, waxaana Musharaxii la tartamay oo ahaa Qasaali Fiqi Abuu uu heley 12 cod.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online