7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 17, 2022
Guddiga Doorashada Maamulka Galmudug oo shaaciyay 11 kursi oo lagu dooranayo magaalada Gaalkacyo

Khamiis, Febraayo, 17, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada maamulka Galmudug ayaa shaaciyay qabashada doorashada 11 kursi oo ka mid kuraasta Golaha Shacabka ee taala magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo ah deegaan doorashada labaad ee maamulka Galmudug.

War qoraal kasoo baxay guddiga hirgelinta doorashada Galmudug ayaa lagu soo bandhigay liiska 11 kursi oo kala ah HOP 001, HOP 018, HOP 038, HOP 101, HOP 060, HOP 095, HOP 069, HOP 017, HOP 020, HOP 013, HOP 021.

Shaacinta kuraastaan ayaa imaaneysa xili Maanta guddiga doorashada Galmudug ay magaalada Dhuusamareeb ku qabteen doorashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka, waxaana maamulka Galmudug uu ka mid yahay maamulada sida dardarta leh ku wada howlaha doorashada kuraasta Golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Hoos ka akhriso liiska ay soo saareen guddiga doorashada Galmudug.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online