7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 17, 2022
Wafti ka kooban xildhibaano Ingiriis ah oo Somaliland safar ku yimid


Khamiis, Febraayo, 17, 2021 (HOL) - Wafti ka socda Baarlamaanka Dowlada Ingiriiska oo uu hogaaminayo xildhibaan Gavin Williamson, ayaa safar ku yimid caasimada Somaliland ee Hargaysa.

Waftiga ayaa markii uu soo gaadhay madaarka Cigaal ee caasimada Hargaysa, waxaa soo gadhweeyay Wasiirka Arrimaha Dibbada Somaliland D.R Ciise Kayd Maxamuud iyo saraakiila kale oo ka tirsan wasaarada arrimmaha dibbada.

Willamson oo ah xildhibaan u olloleeya qadiyada aqoonsiga Somaliland iyo xildbibaanada kale ee la socda, oo iyaguna qayb ka ah ollolaha aqoonsi raadinta Somaliland ee uu hogaaminayo Williamson, ayaa waxaa Somaliland ku martiqaaday Baarlamaanka Somaliland.

Casuumada uu baarlamaanku u fidiyay Williamson iyo saaxibadii, ayaa timid kadib doodii ay gadhwadeenka ka ahaayeen ee ay qadiyada aqoonsiga Somaliland ku dhex geeyeen aqalka House of Commonska ee Baarlamaanka Ingiriiska.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]