7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 17, 2022
Xisbiga Kulmiye oo mucaaradka ku eedeeyay in ay shacabka been u sheegayaan
 

Khamiis, Febraayo, 17, 2022 (HOL) - Afhayeenka xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa xisbiga Waddani ku eedeeyay in uu buun buuninayo xaalada sicir bararka, isla markaana uu shacabka kicinayo.

Buuni ayaa ku andacooday in la buun buuninayo xaalada sicir bararka "Shacabka Somaliland halka maanta la gaadhsiinayo ee la siyaasadaynayo Alle waa ka kor yeelay, dhibaatadooduna ma gaadhsiisna".

Buuni ayaa xisbiga Waddani ku eedeeyay in uu siyaasadaynayo xaalada sicir bararka, isla markaana uu ka shaqaynayo shacab kicin.

"Xisbiga waxan abaabulay ee isku duba riday, ee warbaahintii xafiisyadooda ka shaqaynaysay dalka uga dhigayeen in wax wayni dalkan ka siyihiin, in gaajo loo dhimanayo, in noloshii dadku ay meel halis ah marayso, waxaas oo dhani waxay ahayd mid uu abaabulay xisbiga Waddani" ayuu yidhi Buuni.

Bulshada Somaliland ayaa baraha bulshada aad ugu hadalhaysa xaalada sicir bararka, iyadoo dadka qaarkood ay ugu baaqayaan wasiirka ganacsigu in uu is casilo.

Dhanaca kale, mudaharaadka ay xukuumadu mucaaradka ku eedaynayso, ayaa waxaa ku baaqay xildhibaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laabsaalax), oo ka tirsan xisbiga Kulmiye inkasta oo aanu qabsoomin oo booliisku is hortaagay.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]