7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 17, 2022
7 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Maanta lagu doortay magaalada Muqdisho


Khamiis, Febraayo, 17, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Muqdisho lagu doortay 7 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

Doorashada kursiga koowaad oo tirsigiisu yahay HOP 264, waxaa ku guuleystay Cabdullaahi Cabdi Maxamed, kadib markii uu tanaasulay Musharaxii la tartami lahaa oo aheyd Sacdiya Maxamed Cabdi, waxaana cod gacan taag ah oo loogu codeeyay uu helay 85 cod, waxaana ka aamusay laba ruux.

Kursiga labaad oo tirsigiisu yahay HOP 212, waxaa kusoo baxday Nuuriya Aadan Ciise, kadib markii ay tanaasushay Farxiya Maxamed Cabdullaahi, waxaana loogu codeeyay hab gacan taag oo ay ku heshay 93 cod, waxaana ka aamustay 7 ruux.

Doorashada kursiga sadaxaad oo tirsigiisu yahay HOP 207, waxaa ku guuleystay Maxamed Xasan Maxamed, kadib markii ay tanaasushay Hodan Ilyaas Bashiir oo la tartami laheyd, waxaana ergada si gacan taag ah ay ugu codeeyeen Maxamed Xasan uu helay 97 cod, waxaana ka aamusay 3 ruux.

Kursiga Afaraad oo sumadiisu yahay HOP 242, waxaa markale kusoo laabatay Faadumo Ismaciil Xuseen oo horay ugu fadhisay, kadib markii ay tanaasushay Aasiyo Cabdirashiid Faarax, waxaana cod gacan taag ah ay ku heshay Faadumo Ismaciil 95, waxaana ka aamustay 3 ruux.

Kursiga shanaad ee HOP 258, waxaa ku guuleysatay Sahra Yuusuf Cige, kadib markii ay tanaasushay Aamino Abuukar Maxamed, waxaana cod gacan taag ah ay ku heshay Sahra Yuusuf 96 cod, waxaana ka aamustay 4 ergo, iyadoi wadarta ergada aheyd 100 qof.

Kursiga lixaad ee HOP 224, waxaa kusoo baxay Ceydaruus Saalax Yuusuf, kadib markii ay tanaasushay Hoodo Saalax Cabdi, waxaana si gacan taag ah oo loogu codeeyay Ceydaruus Saalax uu ku helay 97 cod, waxaana ka aamusay 2 ruux.

Kursiga todobaad ee doorashadii Maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo tirsigiisu yahay HOP 246, waxaa ku guuleystay Nuuradiin Cabdullaahi Coljoog, kadib markii ay tanaasushay Maryan Maxamed Nuur oo la tartami laheyd, waxaana si gacan taag ah oo loogu codeeyay uu ku helay Nuuradiin 96 cod, waxaana ka aamusay 2 ruux oo ka mid ahaa 98 ergo oo codeyneysay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online