7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 17, 2022
Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay waftigii ka socday Baarlamaanka Ingiriiska

Khamiis, Febraayo, 17, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo qaabilay waftigii ka socday Baarlamaanka Ingiriiska ee uu hogaaminayay xildhibaan Gavin Williamson, ayaa uga mahad celiyay dadaalka ay ugu jiraan aqoonsi raadinta Somaliland.

"Madaxweynuhu waxa uu uga mahadnaqay xildhibaannada, dooddii xaqiiqda ku fadhiday ee ay Baarlamaanka UK dhawaan horgeeyeen qaddiyadda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, doodihii cad-caddaa ee ay badka keeneen iyo adkaynta xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee hore uga dhexeeyey labada dal" ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed kulanka kasoo baxday.

Sidoo kale, waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in madaxweynuhu uu fariin u diray dhammaan baarlamaanada kale ee caalamka inay ku daydaan baarlamaanka Uk oo ay ku dhiirradaan inay horkeenaan golayaashooda doodda la xidhiidha madaxbannaanida Somaliland.

Ugu danbayn madaxweynuhu waxa uu ugu baaqay dawladda Uk inay ballaadhiso xafiiska dawladda Ingiriisku ku leedahay caasimada Somaliland ee Hargeysa si uu u bixin karo adeegyo bulsho  oo dhamaystiran, ayaa lagu yidhi warsaxaafadeeda.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]