Malaayiin muslimiin ah oo maanta gutay tiirka ugu wayn ee Xajka iyo barri oo ciid ah (SAWIRRO)

Sabti, November 05, 2011(HOL) Nairobi , Kenya - In ka badan 4 milyan oo muslimiin ah ayaa maanta istaagay banka Carafaat, iyagoo gutay tiirka ugu wayn ee xajka oo loo yaqaano “RUKNUL  ACTHAM”.

Muslimiintan  oo kala kala yimid daafaha aduunka ayaa isugu jira dhammaan jinsiyadaha kala duwan ee caalamka, waxayna qalbigooda oo mid ah dhamaantood ilaahay waydiisanayeen dambi dhaaf iyo inay cadaabta ka xoroobaan.

Muftiga dalka Sucuudiga Shiekh Cabdil caziiz aala Shiekh  oo muslimiinta khudbad u jeediyay ayaa ku tilmaamay marxalada lagu jiro tii ugu khatarsanayd ee soo marta caalamka Islaamka.


         Muftiga dalka Sucuudiga
     Shiekh Cabdil caziiz aala Shiekh
 

Waxaa uu uga digay muslimiinta wax uu ku tilmaamay fitno ka dhalan karta madhabaha kala duwan, isagoo ka dalbaday inay midnimadooda ku dhagaan.

Shiekha  ayaa u duceeyay xujayda iyo dhammaan muslimiinta caalamka, isagoo xusay in xajku uu duminayo wixii ka horreeyay, isla markaana uu qofka muuminka looga baahanyahay toobadkeen dhab ah.

Xujayda ayaa maalintii shalay ahayd gutay maalinta tarwiyada sida ay ahayd sunnadii nabigeena Muxamed  (SCW) , iyadoo dabadeedna ay xujaydu u soo ruqaansadeen dhanka mina.

Waxaana sanadkaan dawlada Sucuudiga ay markii ugu horreysay hirgalisay tareeno casri ah, oo halkii mid uu qaado 75,000 oo qof , kuwaasoo xujayda uu kala qaadaya goobaha barakaysan oo qaarkood masaafo dheer isu jira.

Qaar badan oo xujayda kamid ah ayaa door biday inay cagahooda ugu kala lugeeyaan meelaha kala durugsan, iyagoo u kala lugaynaya Mina iyo Carafaat oo loo kala socdo 6 saacadood, waxayna taas uga dayanayaan sunadii nabigeena suuban (SCW).

Xujayda oo maanta taagnaa Carafaat ayaa barri aroorta hore u dhaqaaqaya dhanka Muzdilifa, oo ay baryayaan habaynkaas.

muslimiinta kale ee caalamka , kuwooda aan nasiibka u yeelan inay xajka tagaan, ayaa iidaya barri maalinta koowaad ee Ciidul Adhxaa, haddii eebe idmo.

Xujayda sanadkan oo ah kuwii ugu badnaa ee abid ayaa lagu qiyaasay inay kor u dhaafayaan 4 milyan oo ruux.




Axmed Cabdsimad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya