Booliska Kenya oo xiray dad looga shakiyay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin

Sabti, November 05, 2011 (HOL) — Ciidamada ammaanka gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya ayaa xirxiray dad gaaraya ilaa 50-qof kuwaasoo ay uga shakisan tahay inay ku lugleeyihiin xoogagga Al-shabaab ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya.

Dadka ay booliska xirxireen ayaa waxa laga soo qabqabtay magaalooyinka Mandera, Wajeer, Gaarisa iyo deegaanada kale ee gobolka waqooyi bari Kenya, waxaana ay boolisku sheegeen in dadkani looga shakisanyahay in ay katirsanyihiin xoogaga Alshabaab.

Taliyaha Booliska gobolka Waqooyi Bari Kenya, Leo Nyongesa oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay gobolka ka wadaan howlgallo lagu baadigoobayo dadka la shaqeeya Alshabaab iyo weliba taageerayaashooda.

Taliyaha ayaa sheegay in sirdoonkoodu uu aad u sareeyo islamarkaasina ay gacanta kusoo dhigidoonaan qof walba oo ku lug leh Alshabaab, waxaana uu sheegay in howlgallo ballaaran oo kuwan la mid ah ay dhawaan ka bilaabi doonaan magaalada Gaarisa oo uu sheegay in aysan weli ka sameyn baaritaan buuxa.

"Booliska dalka aad bay u feejiganyihiin, waxaana kordhinnay koontoroollada dadka lagu baaro si aysan dambiilayaasha ugu dhuuman dalka," ayuu yiri Mr. Nyongesa

"Ma arki doontaan booliis fasaxaya gaari aan la baarin, gaadiidka oo dhan si hufan ayaa loobaarayaa kahor inta aan loo ogolaan inay socdaan," ayuu hadalkiisa ku daray. Taliyaha ayaa ka codsaday shacabka Kenyanka ah ee ku nool dalka inay la shaqeeyaan boolois

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya