Sabti, November 05, 2011 (HOL) — Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, C/casiis Sheekh Yuusuf ayaa weydiistay xukuumadda Tahraan gargaar caafimaad oo dheeraad ah. Isagoo hoosta ka xariiqay in ummadda Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabaan caafimaadka.
"Soomaaliya waxay muddo dheer la lagdamaysay dhibaatooyin badan oo dhinaca caafimaadka ah, waxayna soo dhaweynaysaa kaalmada caafimaad ee ay Iiraan u fidinayso shacabka Soomaaliyeed," ayuu wasiirku u sheegay maanta oo Sabti ah wakaaladda wararka Iiraan oo wareysi kula yeelatay Muqdisho.
"Soomaaliya waxay u baahi weyn u qabtaan dhaqaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad si loo xoojiyo kaalinta caafimaadka dalka. Waxaan diyaar u nahay inaan ka faa'iideysanno waayo-aragnimada dhaqaatiirta Iiraan," ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.
Wasiirku wuxuu sheegay inay burbursan yihiin kaabayaashii bulshada oo ay ku jiraan isbitaallada, isagoo sheegay in dowladda Iiraan ay ka codsanayaan inay gacan ka siiso sidii dib loogu dayactiri lahaa, si ay dadku uga faa'iideystaan.
Horraantii bishan ayay dowladda Iiraan waxay gargaar dawooyin iyo qalab ka qaybisay isbitaallad Muqdisho, iyagoo sidoo kalena dhaqaatiir ka socday ay baaritaan ku sameeyeen bukaannada isbitaalkaas ku jira, taasoo ay sheegeen inay qayb ka tahay sidii ay Soomaaliya uga caawin lahaayeen dhinaca caafimaadka.
Ururka bisha cas ee dalka Iiraan ayaa Muqdisho ka sameeyay lix xero oo ka shaqeyn doona caafimaadka dadweynaha, iyadoo ay sheegeen mas'uuliyiinta hay'adda inay sii wadi doonaan wax ka qabashada dhinaca caafimaadka ee Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya