Qarax aanan khasaaro geysan oo ka dhacay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab


Sabti, November 05, 2011 (HOL) — Qarax aan khasaare geysan ayaa la sheegay in maanta oo Sabti ah lagu weeraray gaadiid ay wateen shaqaalaha samofalka ee Qarammada Midoobay, kaasoo ka dhacay meel ku dhow xerada Xagar-dheer oo ka mid ah xeryaha ku yaalla deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya oo ay ku jiraan Qoxootiga Soomaaliyeed oo ka cararay colaadda iyo dagaallada ka socda Soomaaliya.

Saraakiil u hadlay Kenya ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid yar, iyagoo ku eedeeyay weerarkaas Xarakada Al-shabaab. Iyagoo sheegay in lagu soo beegay xiligii ay shaqada ka rawaxayeen shaqaalaha gargaarka.

Deegaanka Dhadhaab ayaa ka mid ah deegaannada dalka Kenya ee ku dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, waxaana todobaadyo ka hor laga afduubay shaqaale u shaqeynayay hay'adda MSF kuwaasoo haween ahaa.

Xukuumadda dalka Keny ayaa horay u sheegtay in Xarakada Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore miinooyin ku aaseen deegaankaas kuwaasoo geystay khasaarooyin kala duwan.

Xeryaha Dhadhaab ayaa waxaa ku jira 500,000 oo intooda badan ah Soomaali ka cararay colaadaha iyo abaaraha ka taagan Soomaaliya. Waxayna intooda badan ku noolaayeen xeryahaas 21-kii sano ee colaaddu ay ka jirtay Soomaaliya.

Qaraxan ayaa kordhiyay cabsidii ay qabeen shaqaalaha gargaarka ee Dhadhaab. Iyadoo la xusuusto in bishii lasoo dhaafay laba gargaar ah ay dabley hubeysani ka afduubeen Dhadhaab.

Dhanka kale, saraakiisha ciidamada Kenya ayaa sheegay maanta oo Sabti ah inay dagaalyahannada Al-shabaab ee shisheeyaha ah billaabeen inay ka cararaan dalka Soomaaliya, iyagoo ka baqaya inay ku xayirmaan Soomaaliya.

Saraakiisha Kenya waxay sheegeen in dagaalyahanada Al-shabaab ay doomo ka raacayaan magaalooyinka ay xukumaan ee Koonfurta Soomaaliya, inkastoo aysan ka hadlin Al-shabaab arintan, balse waxay horay u sheegeen inay iska difaacayaan dagaal walba oo ay Kenya kusoo qaado.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya