
Sabti, November 05, 2011 (HOL) — Maxkamadda ciidamada DKMG ah ayaa laba guddoomiye oo ka tirsan kuwa gobolka Banaadir ku xukuntay xabsiyo u dhexeeya 10-sano illaa 15-sano, kaddib markii la sheegay inay ku caddaatay eedeyn loo haystay oo ku saabsanayd lunsashada raashin gargaar ah.
Xukunnadan mas'uuliyiintan oo dhacay Khamiistii ayay saxaafaddu ka war heshay shalay oo jicmo ahayd, iyadoo guddoomiyaha maxkamadda ciidamada, G/sare Xasan Maxamed Xuseen (Muungaan) ayaa sheegay inay baaritaanno ku hayaan saddex guddoomiye ku xigeen.
"Maxkamadda ciidamadu waxay guddoomiyihii degmada Kaaraan, C/llaahi Maxamed Nuur ku xukuntay 10-sano oo xabsi ah, halka guddoomiyihii degmada Xamarjajab, Bashiir Cabdi Nuur isna lagu xukuntay 15-sano oo xabsi ah," ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda ciidamada.
G/sare Muungaab wuxuu sheegay in labadan mas'uul ay ku cadaadeen eedihii loo haystay oo ahaa lunsashada gargaar loogu talogalay dadka ku nool degmooyinka ay madaxda ka ahaayeen, isagoo sheegay in xukunkan ay u cuskadeen sharciga dalka u yaalla.
Mas'uuliyiinta la xukumay ayaa xilalkii laga qaaday ka hor intii aan xukunkooda lagu dhawaaqin, iyadoo loo dhaadhiciyay xabsiga dhexe ee Muqdisho, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay oo maxkamadda ciidamadu ay xukunto mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.
Labada mas'uul ee xukunnada lagu riday ayaa toddobaadyo ku jiray xabsiga dhexe ee Soomaaliya, iyadoo guddoomiyaha maxkamadda uu sheegay in mas'uulkii lagu helo inuu gargaar lunsaday uu mudan doono mid la mid ah xukunka ku dhacay labada guddoomiye.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya