Dadweynaha reer Hargeysa oo si weyn ugu diyaar garoobay ciidda Carafo

Sabti, November 5, 2011 (HOL)-Magaalada Hargeysa ayaa si weyn u diyaar garoobay ciidda Carafo, iyagoo caruur badan oo loo waddo inay alaabooyin iyo dhar ay ku ciidaan loogu soo iibin lahaa dukaamada ku yaala magaalada, si qof waliba dookhiisa u iibsado, taasina waxay xidhiidhi ka dhigtay waddooyinkii waaweynaa ee soo galayey suuqa weyn ee ku yaala badhtamaha magaalada Hargeysa.

Inta badan waxa gaadiidka gaarka loo leeyahay iyo Basaska rakaabka buux dhaafiyey caruur usii jeeda meelaha dharka lagu iibiyo iyo kuwa ka soo baxaya oo soo dhamaystay hawlahoodii, kuwaas oo ku faraxsan ciida caraf ee bari la ciidi doono.

Dhanka kale waxa iyana si weyn u shaqaynaya Ciidamadda bileyska oo si wen u roondaynaya badhtamaha magaalada iyo suuqa weyn ee magaalada Hargeysa, iyagoo si weyn u ilaaliyana amniga, isla markaana meelaha bulshadu ku badan tahay ee wax laga iibsanayo ka hawlgalaya.

Sidoo kale waxa ciidamo badan la dhigay Isgoysyada magaalada, iyagoo baadhaya gaadiidka oo si ay u hubiyaan amniga dalka, maadaama oo magaaladu kumanaan kun hal mar usoo wada baxeen suuqyada iyo bushaarooyinka waaweyn, taas oo u baahan feejignimo dheeraad ah.

Bacadlaha dharka lagu iibiyo oo aanu soo dhexmarnay ayaa nooga waramay sida ay xaalada u tahay iyo faraqa u dhexeeya ciidii hore iyo tan  “Horta anagu laba cisho uun baanu faa’iidnaa waa ciida ramadaan iyo ciida arafo, marka imika waa kala qabsi oo nin waliba jeebkiisa uun buu ku iidayaa, labada ciidoodna isku mid maahee ciida Ramadaan ayaa ka suuq weyn tan Carafo, waayo caruurta dadku ma awoodi karaan in laba jeer wax loo wada iibiyo oo ciida hore uun baa si weyn loogu iibiyaa dharka” kaasi waxa uu ahaa Axmed Maxamed oo laamida dhinaceeda dhar ku iibinaya.

Inta badan waddooyinkii magaalada ayaa wadda xidhmay gaadiid farobadan awgeed, kuwaas oo uu qof waliba doonayo inuu gaadhi ku soo dhamaysto hawlihiisa gaarka ah, waxa kale oo iyana camirmay oo ciida laga dareemayaa xaga gaadiidkii gura dadweynaha sida Basaska oo wakhtiyadan oo kale dakhligoodu kor u kaco.

Gaadiid waliba waxa uu doonayo inuu si degdeg ah u qabsado muraadkiisa, kaas oo keenaysa inay isku xidhanto waddooyinkii, isla markaana  gaadiidku kala gudbi kari waayo, intaas ay kala hagayaan ciidamada wadooyinka oo kolba qole siidaynayaan.

Meelaha kale ee laga dareemayo  ciidan waxa k amid ah meelaha caruurta lagu xineeyo mashquul ah  sida kofeerada oo kale oo inta badan ay buux dhaafiyeen caruurta gaar ahaan hablaha oo cilaankooda iyo hagaajintooda ay ku hawlan yihiin hooyin badan.

Dhanka kale, bushaarooyinka waaweyn oo la buuxdhaafiyey ayaa si alaabtooda u ilaashaadan ku xidhay camarado iyo qalab kale oo ka qaybqaadanaya ilaalinta alaabtooda si aanay tuugtu ugu dhex dhuuban dadka iibsanaya.

“ imika dunida waa casri, uma baahnin in dad badan oo ilaaliya keensano waayo camrada iyo qalabka loogu talogalay inay shay walba oo la isku dayo in la xado sheegaysa ama ku qaylinaysa ayaa noogu xidhan” sidaas waxa yidhi mid ka mid ah dadka bashaarooyinka ka shaqeeyo oo ka waramaya qaabkay meherada u shaqayso.

Si kastaba ha ahaatee, magaalada Hargeysa ayaa sawaxan iyo xidhiidhi badan laga dareemayey waddooyinkii, iyadoo inta badan ay suuqyada laga dukaansado u badnaayeen hooyooyin caruurta iyo guryahaba ciidsiinaysay.

Inkasto sanadkan uu dollarkii hoos u dhac weyni ku yimid, taasina ay keentay in qoysas badan oo dibada laga soo biilin jiray aanay waxba u qabanayn, qoysaskaasi dhibaato kala kulmeen qiimo jabka doollarka ku yimid.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.