Sabti, November 05, 2011 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa xalay maydadkii askartii Burundi ee lagu dilay dagaalkii bishii hore ka dhacay degmada Dayniile u soo bandhigtay dadweynaha ku nool gobolka Shabeellada hoose, waxaana sidoo kale ay u bandhigeen dadweynaha filimaan ka hadlayay dagaalladii ay soo galeen.
Mas'uuliyiin ka tirsan Al-shabaab iyo kuwa gobolka ayaa ku sugnaa goobaha lagu soo bandhigay maydadka iyo filimaanta, iyadoo dadka lagu boorrinayay inay ka qaybgalaan dagaallada ka socda dalka.
Dadweynaha loosoo bandhigay maydadka ayaa waxay ku qaylinayeen erayo ay kaga soo horjeedaan ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka, iyagoo sidoo kalena ku dhawaaqayo erayo ay ku muujinayaan inay diyaar u yihiin ka qaybgalka dagaallada socda.
Xubno ka tirsan xafiiska dacwada ee Xarakada Al-shabaab oo goobta ku sugnaa ayaa dhallinyarada iyo cid walba oo awood leh ku boorrinayay inay ka qaybgalaan dagaallada socda, iyadoo dadka gobolkaas ku nool ay markii hore dhegta ka maqli jireen ciidammo AMISOM ka tirsan oo dagaallada lagu dilay, balse ay xalay si toos ah u arkeen.
Sidoo kale, xafiis lagu diiwaangeliyo dhallinyarada ayaa laga furay degmada Marko iyo degmooyinka kale ee gobolka, iyadoo sidoo kale xafiis noocan oo kale ah laga furay degmada Baydhabo, si ay isaga diiwaangeliyaan dhallinyarada jihaad-doonka ah.
Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay ciidamada Kenya u soo tallaabeen gudaha dalka Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen afduubyo soohdin ka tallow ah oo ay ka geysteen dalkooda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya