Dalxiisayaal Reer Galbeed ah oo lagu weeraray Bariga dalka Kenya

Sabti, November 05, 2011 (HOL) — Darawal Kenya ah ayaa ku dhintay, laba qof oo dalxiisayaal ah una dhashay dalka Swizerland ayaa iyagana si xun loo dhaawacay, kaddib markii koox hubeysan ay ku weerareen jimcihii shalay bariga dalka Kenya.

"Weerarku wuxuu mid lagu bartilmaameedsaday gaarigii ay dalxiisayaashu wateen," ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya, Stefan von Below, oo intaas ku daray. "Darwalkii gaarigii waa la dilay, laba qof haweeney iyo nin ah una dhashay dalka Swizerland iyagana si xun ayaa loo dhaawacay, waxaana loo qaaday isbitaal."

Weerarkan ayaa waxaa ka badbaaday nin kale oo u dhashay dalka Swizerland oo la socday gaariga la weeraray, sida ay sheegtay safaaradda Swizerland ay ku leedahay dalka Kenya.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo dalka Kenya, kooxaha weerarka geystay ayaa waxay kasoo baxeen dhul kayn ah, iyagoo rasaasta la beegsaday gaariga ay wateen dalxiisayaasha, iyagoo dib ugu laabtay halkii ay kasoo baxeen.

Halka uu weerarku ka dhacay ayaa waxay magaalada Nairobi kaga beegan tahay dhinaca bari qiyaastii 250-km, sida ay booliiska dalkaas sheegeen. Iyadoo aan la aqoosan kooxaha weerarka geystay.

Weerarkan ayaa wuxuu noqonayaa midkii ugu horreeyay oo dalxiisayaal reer galbeed ah loogu geysto gudaha dalka Kenya, tan iyo markii ay xukuumadda Nairobi ciidamadeeda ka talaabisay soohdintay la wadaagto Soomaaliya si ay Al-shababa ula dagaalamaan, taasoo ay ku eedeeyeen falalka ammaan-darro ee dalkooda ka dhacaya.

Taliyaha ciidamada gudaha ee Kenya Marcus Ochola ayaa saxaafadda u xaqiijiyay jirtaanka weerarka isagoo yiri: "Kooxihii weerarka geystay way dhuunteen, waana dambiilayaal aan abadi-goob ku hayno."

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya