Xukuumadda Kenya oo sheegtay in ay dajisay dooni ay uga shakisay Al-shabaab

Sabti, November 05, 2011 (HOL) — Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay in markab kuwooda dagaalka ah uu ku quusiyay dooni kale oo ay uga shakiyeen inay wateen xoogaga taabacsan Xarakada Al-shabaab meel ku dhow deegaanka Raas-kambooni ee gobolka Jubbada hoose.

Afhayeen u hadlay ciidamada badda Kenya ayaa warbaahinta dalkiisa u sheegay in doonida ay dajiyeen Jimcihii shalay, kaddib markii ay diiday inay joogsato si loo baaro, isagoo xusay inay doonidu ku wajahnayd xeebaha dalka Kenya.

Ma sheegin sarkaalku tirada dadkii ku waxyeeloobbay doonida.

Horraantii todobaadkan ayay ahayd markii afhayeenka ciidamada Kenya Major Emmanuel Chirchir uu sheegay in dooni ay la socdeen 18 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab ay ku dajiyeen biyaha Soomaaliya.

"Dhammaan dagaalyahannadii la socday doonida waa la dilay," ayuu yiri Maj. Chirchir oo sheegay in tani ay qayb ka tahay dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab ee ka socda gudaha Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Jubbada hoose.

Ciidamada dalka Kenya ayaa saddex toddobaad ka hor waxay ka gudbeen xadka ay la wadaagaan Soomaaliya iyagoo sheegay inay dagaal la galayaan Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen inay falal ammaan-darro iyo afduubyo xad ka tallow ah ka geysatay dalkooda.

Xarakada Al-shabaab ayaa eeddaas iska fogeysay iyadoo sheegtay in ujeeddada dalka Kenya ay tahay inay qabsato dalka Soomaaliya oo ay dhibaato u geysato shacabka Soomaaliyeed.

Al-Shabaab ayaa tan iyo sannadkii 2008 dagaal kula jirtay dowladda KMG ah ee Soomaaliya si ay xukunka uga tuurto. Balse waxay si lama filaan ah ugu u sheegeen inay xeelad dagaal awgeed u banneeyeen fariisimihii ay Muqdisho kaga sugnaayeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya