
Sabti, November 05, 2011 (HOL) — Madaxa abaabulka talaalka ee hey'adda WHO, Maxamuud Shire ayaa sheegay in saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay laga waday Muqdisho tallaalka cudurrada jadeecada iyo dabeysha, isagoo sheegay in tallaalka la siinayay ilmaha dhashay illaa 15-sano jirka, isagoo sheegay in shacabka Soomaalida ay 45% ka yar yihiin da'da 18-sano jirka.
Mr. Shire wuxuu sheegay in howshan oo laga hirgeliyay guud ahaan Muqdisho ay ka qaybqaateen 270-kooxood oo koox kasta ay ka kooban tahay afar qof uu u dhan yahay qalabkooda caafimaadka. Iyadoo ay la socdaan 415-kormeere iyo 270-qof oo baraarujiyeyaal ah, kuwaasoo ku howlgalayay 64-baabuur oo lagu xiray cod-baahiyeyaal loogu talogalay in dadka lagu wacyi-geliyo.
Jidadka waaweyn ee Muqdisho ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay socday gaadiid ay ku xiran yihiin cod baahiyeyaal, kuwaasoo dadka ugu baaqayay inay caruurtooda ka talaalaan cudurrada dilaaga ah.
Cudurrada jadeecada iyo dabeysha ayaa waxay ka mid yihiin lixda cudur ee dilaaga ah, iyagoo ka mid ah cudurrada laaya caruurta, iyadoo la xaqiijiyay inay soo riteen 3,000 oo caruur Soomaaliyeed ah bilihii ugu dambeeyay, waxaana cudurradan ay dileen 300-qof oo caruur ah.
Hay'adda caafimaadka aduunka ee WHO iyo hay'adda UNICEF ayaa howlaha tallaalka ah waxay la kaashadeen wasaradda caafimaadka DKMG ah ee Soomaaliya, si looga hortago cudurradan halista ah ee caruurta laaya, iyadoo sidoo kale lagu wacyigeliyay waalidiinta inay caruurtooda talaalaan mar kasta oo ay cudurrada halista ah ku arkaan.
.jpg)
Howshan lagu tallaalay caruurta ayaa waxaa ka warbixiyay Dr Yaasiin Nuur Bile oo ah qabiir ka tirsan hayada caafimaadka aduunka ee WHO, isagoo sheegay in ololaha lagu tallaalayay caruurta Soomaaliyeed ay intooda badan ka fuliyeen xeryaha ay ku jiraan barakacayaasha isagoo sheegay in caruurtaas ay cudurrada u nugul yihiin.
Dr Yaasiin wuxuu intaas ku daray inay joogtayn doonaan ololaha la dagaalanka cudurada halista ah ee caruurta dila, isagoo ugu baaqay waalidiinta inay gacan ka geystaan sidii caruurtooda ay u heli lahaayeen tallaal.
Inta badan ololayaasha tallaalka ayaa hay'adaha caafimaadku waxay la kaashadaan hay'adaha dowliga ah ee caafimaadka ka shaqeeya, waxayna ka fuliyaan guud ahaa dalka Soomaaliya si looga hortago in caruurtu ay u geeriyoodaan cudurro dawo leh..jpg)
.jpg)
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya